Sawirro: Sidee ayey reer Gaalkacyo usoo dhaweeyen Madaxweyne Farmaajo?

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa manta magaalada Gaalkacyo gaaray wafdi ballaaran oo uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa isugu jira Wasiiro, Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal iyo Siyaasiyiin dhowr ah oo taabacsan dowlada Farmaajo.

Wafdiga Farmaajo ayaa aad loogu  soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo, waxaana Garoonka magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay boqolaal ka mid ah Shacabka ku nool Magaalada Gaalkacyo.

Mas`uuliyiintii soo dhaweysay Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Hogaamiyaha maamulka Galmudug Xaaf, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sidoo kale gaari doona magaalooyin kale oo ka mid ah kuwa uu ka arimiyo maamulka Galmudug wuxuuna la kulmi doonaa mas’uuliyiinta, waxgaradka iyo qeybaha kaal duwan ee bulshada.