Sawirro: Sidee ayey u dhacday booqashada Farmaajo ee xarunta tababarka Ciidanka Booliska Puntland

Bosaso (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli ku guda jira booqashooyinkiisa deegaanada taariikhiga ah ee maamulka Puntland.’

Madaxweyne Farmaajo, ayaa kormeer ku tagey xarunta tababarka Ciidanka Booliska Somalia ee ku taalo magaaladda Carmo, halkaa oo ay ku sugnaayen Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska.

Farmaajo ayaa inta uu ku guda jiray kormeerkiisa xarunta kula kulmay Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Dusgiga tababarka ku sugan, waxaana uu ka xog wareystay sida ay u socdaan howlaha dugsigaasi.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha uu la kulmay ku dhiiri geliyey in ay sii laba jibaaraan shaqada adag ee Qaranka ay u hayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa sidoo kale magaalada Carmo kusoo dhaweeyay dad shacab ah oo ay ka muuqatay dowlad Jecli iyo xiiso gaara oo ay u qabeen aragtida Madaxweyne Farmaajo.