Faahfaahin ku saabsan Madaafiic lagu garaacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo khasaaro…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa goor-dhaw madaafiic ay ku soo dhacday meel u dhaw madaxtooyada Soomaaliya waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ubadan.

Madaafiicda oo gaareysa ugu yaraan 3 Hoobiye ayaa ku soo dhacday meel u dhaw Guriga ay ku shaqayn jirtay Xukumada Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo kuwii ka horeeyay oo ku yaala Albaabka madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaafiicda ayaa ku dhacday Ex fiyoore oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhaawacntay waxayna wararka qaar ay sheegayaan in ay jirto dhimasho soo gaartay dad shacab oo Guryahooda madaafiicda qaar ay ku dhacday.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay jirto madaafiic kale oo ku dhacday agagaarka Godka jilacow ee degmada Boondheere, iyo sidoo kale Guriga Guddoomiyihii horeee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ee ku yaala Madaxtooyada Gudaheeda kuna dhaw Guriga Golihii hore ee Wasiirada Soomaaliya.

Lama oga halka sida rasmiga ah looga soo riday hoobiyaasha, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Muqdisho gudaheeda laga soo riday.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Madaafiic lagu garaacay madaxtooyada Soomaaliya, waxaana inta badan madaaficdaasi laga soo ridayay Gudaha magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa lagu dilay suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyada oo kooxda dilka geysatay ay Qorigii Askarigaas horay u qaateen.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Mustaqbal Radio,in Askariga la dilay lagu magacaabayay Maxamed Yuusuf,islamarkaana kooxda dilka geysatay ay goobtii ka baxsadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com