Xog: Boqorka Beelaha Daarood oo Waanwaan ka dhex sameeyay Madaxweyne Farmaajo & Cumar C/rashiid

Qardho (Caasimadda Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf oo ah shir guddoonka Beelaha Daarood uu bilaabay dadaal waawaan looga dhex dhalnayo kKhilaafka siyaasadeed Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo siyaasiinta Mucaaradka ah ee kasoo jeeda Puntland.

Xogta la helay ka ayaa sheegaya in xiriiro wadahadal oo khadka telefoonka ku dhex maray boqorka iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay Cumar C/rashiid oo fadhigiisu yahay Imaaraadka Carabta iyo xildhibaano ka tirsan Gole ee kasoo jeeda Puntland, kuwaasoo lala heshiisiinayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi.

Arrinta ugu weyn ee Boqor Burhaan uu xalka u raadinayo ayaa ah sidii Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uga tanaasuli lahaa mucaaradnimda uu hoggaaminayo ee lagu doonayo in lagu rido dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in Boqor Burhaan uu Telefoonka kula hadlay Senator Cumar C/rashiid maalmo xiriir ah si loogu qanciyo inuu dib ugu soo laabto dalka, kana soo guuro dalka Imaaraadka.

Rajo badan ayaa laga dareemay in Cumar C/rashiid ka baxo hoggaanka mucaaradka dowladda Madaxweyne Farmaajo ee uu gacanta uga helayo Imaaraadka Carabta, inkastoo aan la ogeyn inuu ka dhabeyn doono arrintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com