Sawirro: Sidee loo toogtay askarigii Kismaayo ku dilay xaaskiisa UURKA laheyd?

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun toogasho ah ku fulisay gacan ku dhiiglayaal horay u geystay dilal bareer ah.

Seddexda ruux ee maanta dilka lagu fuliyay ayaa kamid ahaa ciidamada maamulka, waxaana ku jira gacan ku dhiigle dilay xaaskiisa oo uur laheyd.

Gacan ku dhiiglayaasha dilka lagu fuliyay oo muddo u xirnaa cafis dalbasho ayaa dilkooda soo degdegay kadib markii qoyska dhalay dadka la dilay ay dalbadeen in la dilo.

Saddexda Askari ee Xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa waxa ay kala yihiin.

1-C/rashiid Axmed Xasan oo horay u dilay Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xirsi.

2-Aadan Cabdi Muumin oo horay u dilay  Marxuum Cawil Colow Xasan.

3-Cabdullaahi Asad Ismaacil oo horay u dilay xaaskiisi marxuumad Muxubo Maxamed Guure

Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha goobta ku sugnaa ayaa sheegay in xukunka ceynkaani ah uu sii socon doono inta laga weynaayo askari dil geysta.