Siyaasiga madaxweynaha Somaliland sheegtay oo shaaciyay qorshe cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Siyaasi sheegtay in uu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee maamulka Somaliland kaas oo lagu Magacaabo Mustafe Martin.

Siyaasigan oo maalmo ku sugnaan doona magaalada Garoowe, ayaa lagu wadaa in halkaa uu kulamo kula yeesho Madaxda maamulka iyo Siyaasiyiin kale oo ka tirsan mucaaradka Somaliland.

Siyaasigan sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Somaliland oo magaalada Garoowe kula hadlay saxaafada ayaa sheegay inuu la imaan doono isbedel ka duwan kan uu sameeyay Muusi Biixi oo uu tilmaamay inuu horay u ahaa Siyaasi ku fashilmay Siyaasadiisa.

Mustafe Martin, waxa uu sheegay in qorshayaasha u dagan uu kamid yahay mideynta Somalia, waxa uuna arrin lala yaabo ku sheegay in mashruuc laga dhigo kala goynta Somalia.

‘’Ma dhaceyso in la kala ququbo Soomaalida cidna ugama heybeysan doono inaan ka shaqeyno rabitaanka Soomaaliweyn’’

Waxa uu intaa raaciyay “Hadii ay jirtay dad kas oo horjeeda soomaaliya oo mid ah,waxana u sheegayaa in manta ay dadka soomaaliyed yihiin walaalo aan meelna u kala hareyn,waxana midnimada Soomaaliya ka bilaabeynaa Garoowe,Puntland ayaana hosreed u noqon doonto’’ ayuu yiri Siyaasiga.

Sidoo kale, Siyaasigan sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Somaliland, ayaa socdaal ku mari doona qeybo kamida deegaanada Puntland iyo Somaliland, waxa uuna sidoo kale qaban doonaa banaanbaxyo lagu taageerayo.

Dhinaca kale, Puntland ayaa dagaalka ay kula jirto Somaliland kusoo kordhisay mid lagu carqaladeynaayo siyaasada iyo kursiga Muuse Biixi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com