Dowladda Turkiga oo ka aargudatay tallaabadii uu qaaday madaxweyne Trump

Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa sheegtay in canshuur dhan 1.8 bilyan oo dollar ay saari doonto badeecadaha lagu soo sameeyo Mareykanka, ayada oo ka aargudaneysa canshuur madaxweyne Trump uu saaray biraha iyo alumuuniyaamta dalkaas.

Ururka ganacsiga adduunka ee WTO ayaa sheegay in canshuuraha cusub ay 266.5 milyan oo dollar kasoo xareyn doonaan alaabo ay ka mid yihiin baabuurta, dhuxusha, waraaqaha, bariiska iyo tubakaada.

Wasiirka dhaqaalaha Turkiga Nihat Zeybekci ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Turkiga uusan ogolaan doonin in “si qaldan loogu eedeeyo caqabadaha dhaqaale ee Mareykanka.”

“Anaga waxaan qeyb ka nahay xalka ee ka mid nihin dhibaatada” ayuu yiri.

Arbacadii, Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay inuu diyaariyey liiska badeecadaha Mareykanka ah oo ay billaabi doonaan inay kusoo rogaan canshuur 25% ah marka dalalka ururkaas ay yimaadaan.

Tallaabadan ayaa horseedi karta dagaal ganacsi oo buuxa, hadii Trump uu ka dhabeeyo hanjabaadiisa ah inuu canshuur dheeri ah saarayo baabuurta Yurub.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com