Weerar lagu gubay gaadiid dagaal oo caawa dhacay iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in caawa halkaa uu ka dhacay weerar xoogan oo lagu gubay gaadiid dagaal.

Weerarka ayaa la sheegay in lagu qaaday Gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada kuwaa oo loo galay wadada xili ay habbeenimadaan ka baxeen Saldhig ay ku lahaayen Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee G/Shabeellaha Hoose.

Ciidamadan oo watay ku dhawaad Sagaal gaari nooca dagaalka ayaa waxa uu weerarka ku qabsaday duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaan dhanka Walaweyn ka xiga 7KM.

Mas’uuliyiinta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ciidamadu ay la kulmeen maleeshiyaad dhexda u gashay, isla markaana laga gubay 3 kamid ah gaadiidka ay wateen.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ciidamadaas ay ka yimaadeen Saldhiga ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee G/Shabeellaha Hoose,isla markaana Saddex Gaadiid ah la gubay, waxaana sidoo kale jira khasaaro kale oo labada dhinac ah.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac inuu kor u dhaafayo 11 oo labada dhinac ah.

Khasaaraha ugu badan ayaa la xaqiijiyay inuu soo gaaray ciidamada dowlada oo iyagu si kadis ah ula kulmay weerarka.

Ma cadda in ciidamadu ay heleen gurmad iyo inkale waxaana xusid mudan in ciidamadu ay weerarka la kulmeen xili habeen ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com