Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta magaalada Muqdisho laga helay Meydadka Afar ruux oo ay kusoo duntay Kaawo ay qodanayeen.
Afarta ruux ayaa waxaa meydadkooda laga soo saaray God weyn oo ay ku hoosjireen kaa oo ay ka qaadanayeen Caro.
Gudoomiyaha Degmada Kaaraan oo ka hadlaayay dhacdadaani ayaa sheegay inay jiraan dhalinyaro ay wali ku la’ yihiin Kaawada soo duntay.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in iminka ay heleen Meydadka Afarta ruux, sidoo kalana ay baadi-goob ugu jiraan dhalinyarada kale ee nolosha iyo geerida lagu la’yahay.




