Sawirro: Soomaaliya iyo Serbia oo heshiis ku gaaray Belgrade – Maxaa dhacaya 2023?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa kulan kula qaatay Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Wasiirka Ganacsiga Jamhuuriyadda Serbia Mudane Tomislav Momirović.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashi Ganacsi oo dhexmara labada dal sida isku xirka Ganacsatada labada dal iyo labada Rug Ganacsi ee Soomaaliya iyo Serbia si ay isku weydaarsadaan wax soo saarka Labada dal.  

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal leh wax soo saar halka Serba ay tahay dal leh Warshado ayna muhiim tahay is dhaafsi Ganacsi oo dhexmara labada dal si ay uga faa’iideystaan Ganacsatada labada dal. 

Labada Wasiir ayaa gaaray Heshiis is afgarad ah taas oo ah in horaanta sanadka 2023 lagu qabto Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia shir ay isugu imaanayaan Ganacasatada labada dal si ay uga doodaan ka faa’iideysiga iyo fursadaha Ganacsi ee labada dal.  

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abbshir Cumar Huruuse ayaa sidoo kale kulan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Bratislav Gašić, isagoo mar hore ugu hambaliyeeyay xilka wasiirnimo ee dhawaan loo magacaabay. 

Kulanka ayaa looga hadlay sidii dowladda Serbia ay uga qeyb qaadan laheyd dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed , waxaana Wasiirka Arrimaha Gudaha Serbia uu sheegay in ay Dowladda Serbia diyaar u tahay taageerida Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Dhinacyada Amniga iyo Tababarada Ciidanka Booliska, sida ka hortagga dambiyada abaabulan iyo Baarista Dambiyadda rayidka  

Wasiir Huruuse ayaa sheegay in Ahmiyad gaar ah ay Dowladda Soomaaliya siisay sidii dalka looga ciribtiri lahaa Khawaarijta ayna muhiim tahay Taageerada Saaxiibada Soomaaliya.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale Kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Dhaqaaalaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Rade Basta. Kulanka ayaa diirada lagu saaray Xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo Saaxiibtinimo sida Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo is dhexgalka Ganacsiga.

Inta Kulanka uu socday Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia ayaa Dadka soomaaliyeed ku Ammaanay Fir-fircoonida Ganacsiga iyo shaqo abuurka Maadaama Soomaaliya ay tahay Dal leh dhul beereed iyo Xeeb dheer oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana Mudane Reda Basta uu ku taliyay In Soomaaliya ay u guurto Habka Casriga ee Canshuuraha lagu uruuriyo ee loo yaqaano (E-Government). 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in ay ka faa’iideysan doonaan khibrada dowladda Serbia ay u leedahay Dhaqaalo Abuurka, ayna labada dal iska kaashan doonaan Horumarinta Dhaqaalaha.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la is dhaafsado khuburo dhaqaalaha ah oo labada dal ka socda kuwaas oo tagi doonna Magaalooyinka Muqdisho iyo Belgrade 

Kulamadan iyo qorshaha iskaashiga ganacsi ee labada dal ayaa waxaa kasoo shaqeeyey safiirka Soomaaliya ee Serbia Maxamed Cabdullaahi.