Ujeedka saraakiil Mareykan ah oo tegay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Mareykanka ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedyada Galmudug, kuwaas oo si ballaran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Wafigan ayaa waxaa hoggaaminayey saraakiil ka socotay howlgalka Mareykanka ee Afrika waxayna kulan la yeesheen wasiirka amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe).

Wasiirka iyo saraakiisha Mareykanka ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Galmudug ayaa sidoo kale ka codsatay Mareykanka inuu ku garabsiiyo howlgallada haatan ka socdo gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale dhankooda xubnaha ka socda AFRICOM ayaa ballan-qaaday inay laba jibaari doonaan taageeradooda ku aadan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Shabaab.

Kulankan ayaa ku soo aaday, xilli haatan Galmudug ay is hayaan Al-Shabaab, waxaana howlgallada xoogooda ay ka socdaan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qayb qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna duqeyno dhanka cirka ah ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.