Dowladda Jabuuti oo qaaday tallaabo ka dhan ah IRAN kadib go’aanka Mareykanka

Jabuuti (Caasimada Online) – Hay’adda Jabuuti u qaabilsan diiwaan-gelinta maraakiibta caalamiga ah ayaa hakisay calanka afar markab oo kuwa shidaalka qaada ah, oo lala xiriiriyey Iran kadib markii ay xayiraad oo kusoo rogtay dowladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa maraakiibtan ku eedeysay inay fududeeyeen ganacsiga saliidda cayriin ee ururka Xizbullah iyo ciidamada Qudus ee Iran. 

Waaxda Maaliyadda Maraykanka ayaa horraantii November waxay cunaqabatayn kusoo rogtay shirkado, dad iyo maraakiib badan oo lagu eedeeyay inay qariyeen asalka shixnado ka yimid Iran kadibna ay u dhoofiyeen meelo ka mid ah caalamka.

Maraakiibta kala ah; Bueno, B Luminosa, Bluefins iyo Boceanica ayaa laga hakiyey Diiwaanka Maraakiibta Caalamiga ah ee Jabuuti kadib xayiraadda Mareykanka.

Washington ayaa weli wadda cunaqabatayno ballaaran oo saaran Tehran, waxa ayna raadineysaa habab ay ku kordhiso cadaadiska saaran, ayada oo uu istaagay isku daygii dib loogu soo noolayn lahaa heshiiska Nukliyeerka Iran ee 2015. 

Maraakiibta aan lahayn calan waddan ama caymis ayaa waxaa mamnuuc ah inay isaga gudbaan dekedaha caalamiga ah.

Inta badan maraakiibta ay xayirtay Jabuuti ayaa ku sugan biyaha dalka Venezuela, halkaas oo shirkadda saliidda ee dawladda Venezuela ee PDVSA u adeegsato inay saliidda iyo shidaalka u kala gudbiyaan dekedaha gudaha dalkaas, sida ku cad dokumenti ay heshay wakaaladda wararka Reuters. 

Jabuuti ayaa xiriirka diblomaasi u jartay Iran bishii Janaayo 2016 kadib markii dibad-baxayaal ay ku ku xoommeen safaaradda Sacuudi Carabiya ee magaalada Tehran.