Sawirro: Ujeeddada shir lagu soo xiray XALANE maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shirka qorshaha isbeddelka qaran.

Kulankan oo ka dhacay Hanger-ka Xalane ayaa waxaa kasoo qeyb-galey qaar kamid wasiiradda xukuumadda, xoghayaha xafiiska ra’iisulwasaaraha, ku-xigeenka, agaasimayaal, iyo xubno kale oo ka tirsan xafiisyada dowladda.

Kulanka oo ahaa mid lagu xoojinayo iskaashiga xukuumadda iyo ganacsiyada ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay madaxda shirkadaha wax dhoofinta, korontada, bangiyada, shidaalka, beeraha iyo shirkadaha ganacsiga guud ee dalka.

Intii uu socday kulankan ayaa waxaa ururada ganacsatada laga dhageystay aragtiyadooda ku beegan caqabadaha ganacsiga, fursadaha jira ee aan wali laga faa’iideysan iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ragaadiyey kobaca ganacsiga dalka.

Dhanka kale, ganacsatada ayaa ka mahad-celisay sida quruxda ah ee shirka loo soo agaasimay iyo in xukuumaddu ku dhiiratay ka shaqeynta soo celinta kalsoonida ganacsatada iyo soo jiidashada maal-gashiga dalka, ayna xukuumadda u doonayso in xal laga gaaro dhibaatooyinka jira ee dhanka amniga, dhameystirka sharciyada ganacsiga, iyo xoojinta tamarta.

Arrinkan ayey sheegeen inuu rajo galinayo ganacsatada, gaar ahaan kuwa doonaya inay maal-gashi ku sameeyaan dalka, islamarkaana ay qeyb ka noqdaan kobaca dhaqan dhaqaale iyo shaqo-abuur ee dalka.

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in hogaanka sare ee xukuumadda, madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ay si wadajir u ballan-qaadeen xoojinta iskaashiga xukuumadda iyo ganacsatada.

Sidoo kale wuxuu xoghayaha bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay ganacsatadu ku leedahay kobaca dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee dalka.

Ugu dambeyntiina kulanka waxaa soo xiray wasiir ku-xigeenka caafimaadka Xildhibaan Maxamed Bulaale, kaasi oo ganacsatada ku booriyay inay wada-shaqeyn dhaw la yeeshaan dowlada si hormar ballaaran loo gaaro.