Sawirro: Ujeeddada wada-hadallo cusub oo u bilowday Somaliland iyo Imaaraadka

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Somaliland iyo Imaaraadka ayaa waxaa u billowday wada-hadallo cusub, ayada oo masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ay ku sugan yihiin dalkaasi.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa qaar kamid ah madaxda Imaaraadka kala hadlay suurta-galnimada in Imaaraadka uu maal-gashado mashaariicda tamarta iyo macdanta ee Somaliland.

Wasiirka ayaa waxa qasriga boqortooyada ku qaabilay Mudane Sheekh Saud bin Saqr al-Qasimi, oo ah Golaha Sare ee UAE, xubin ka tirsan Imaaraadka ahna Xaakimka Ras Al Khaimah.

Qaabilaada wafdiga wasiirka ee Qasriga Madaxtooyadda Imaaraadka ayay warbaahinta Somaliland ku tilmaamtay mid daliil u ah xiriirka adag iyo wada-shaqaynta mira-dhalka ah ee ka dhaxaysa labada dhinac.

“Ujeedka safarka wasiirka iyo wafdigiisa ayaa daaran sidii loo xoojin lahaa xiriirka (labada dhinac) ee Somaliland iyo Imaaraadka ee dhinaca Tamarta iyo Macdanta, ayada oo qeyb ka aheyd sidii maal-gashayadayaasha ee dalka Imaaraadka Carabta loogu soo bandhigi lahaa fursadaha ka jira Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo laga soo saaray kulamadan.

Wasiirka iyo masuuliyiinta ku wehliya safarkaan ayaa sidoo kale waxay wada-hadallo la yeesheen maal-gashadayaasha dhinaca Tamarta iyo Macdanta ee dalkaasi, si ay ugu soo bandhigaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka iyo kheyraadka dihin ee Tamarka iyo Macdanta.

Si kastaba, Kulamadan ayaa hordhac u ah iskaashi cusub oo dhex-mara Somaliland iyo Imaaraadka, xilli ay xukuumadda Abu Dhabi xiriir saaxiibtinimo oo wanaagsan la leedahay Somaliland.