Muxuu Sanbaloolshe kusoo arkay xarunta NISA? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta tegay xarumaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.

Agaasimaha cusub ee NISA ayaa maanta soo kormeeray xarumaha hay’adda, iyada oo la fillayo in maalinta berri uu si rasmi ah xilka ula wareego.

Agaasimaha xilka ka degaya Mahad Salaad ayaa agaasimaha cusub soo tusiyay xarumaha kala duwan ee hay’adda ay leedahay oo qaarkood ka socday howl maalmeedka sugidda amniga.

Sidoo kale waxay u kuur-galeen shaqooyinka ka socda xarumaha hay’adda, iyaga oo la kulmay saraakiisha iyo hawl-wadeennada kala duwan ee hay’adda.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo maalinta berri ah la qorsheynayo inay dhacdo munaasabad uu xilka kula wareegayo agaasimaha cusub ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Golaha Wasiirada ayaa 4-tii bishaan ansixiyay magacaabista Sanbaloolshe oo hadda ka tirsanaa Golaha Shacabka, ayada oo magacaabistiisa ku timid soo jeedinta wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, taasi uu meel-mariyay Golaha.

Sanbaloolshe ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin wasiir, xildhibaan, danjire iyo agaasimaha hay’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.