Sawirro: Wafdi ka socda DF oo gaaray Ciraaq + Ujeedka

Baqdaad (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Wafdiga gaaray Baqdaad ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Sulaymaan Maxamed Maxamuud.

Wafdigan ayaa waxay halkaasi uga qeyb-gelayaan meertada 39-aad ee golaha Cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Liibaan Maalin Guur, la-taliyaha koowad ee safaaradda, Cabdifataax Sheekh Axmed, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda cadaalladda Ciraaq iyo mas’uuliyiin kale ayaa soo dhaweeyay wafdiga uu wasiir Xasan Macallim hoggaaminayo oo xalay goor dambe gaaray magaalada Baqdaad.

Shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta oo furmaya maalinta berri ah ayaa looga hadlayaa arrima muhiim u ah ururka Jaamacadda Carabta iyo Caalamka, oo ay kamid tahay la-dagaalanka argagaxisada iyo horumarinta cadaaladda iyo garsoorka.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ayaa inta uu Ciraaq u joogo shirka wuxuu kulamo doceedyo la qaadanayaa wasiirrada dhigiisa ah ee shirka ka qeyb gelaya.