Sawirro: Wafdi sare oo ay soo dirtay Sacuudi Carabiya oo la kulmay Xasan + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia kula kulmay wafdi culus oo ka socday Boqortooyada Sucuudi Carabiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia.  

Sida ku cad war-saxaafadeedka, wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayey La-taliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay wadiga Sacuudiga dhambaal ay uga sideen Boqorka dalkaas Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis iyo Dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay mudnaanta ay siineyso Soomaaliya xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadagaan walaalahooda Sucuudiga oo ka mid ah dalalka safka hore kaga jira garab istaagga iyo taageerada dalkeenna, xilliyadii adkaa. 

Kulanka kaddib, Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh ayaa Warbaahinta uga warbxiyey booqashada wafdiga ee Soomaaliya. 

Waxay ay xuseen in Boqortooyada Sucuudigu ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ku garab siiyaan amniga iyo maalgashiga, taas oo door ka qaadan doonta xasiilloonida iyo shaqo abuurka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya dhaqaale ahaa, ayada oo Riyadh ay bixiso lacag cash ah oo lagu kabo miisaaniyadda dowladda federaalka.