Sawirro: Wararkii ugu dambeeyey diyaarad ku dhacday Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah laga helayaa shil diyaaradeed oo goor dhow ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Shilka ayaa yimid, kadib markii diyaaradda oo uu oo nuuceedu yahay Foker 50 ay ku dhacday darbiga ama xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddaasi ay waxyeelo ka soo gaartay hal qof, islamarkaana laga soo bad-baadiyey saddex qof oo kale oo ay ku jiraan duuliyaha iyo caawiyihiisa.

Sidoo kale waxaa gurmad deg-deg ah u fidiyey diyaaradda howl-wadeenada garoonka Aadan Cadde, si uusan dab uga kacin.

Diyaaradda oo uu numberkeedu yahay 5Y-MHT ayaa u diiwaan-gashan shirkadda  Silverstone ee dalka Kenya ee dalka Kenya, basle waxa ay u kireysneyd shirkad Soomaali ah oo la yiraahdo Saacid Airlines, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo.

Lama oga sababta rasmiga ah ee dhalisay shilkaasi diyaaradeed, balse waxa la sheegay in diyaaraddi ay cilad ku timid, xilli ay ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Beledweyne.

Si kasbataba ha’ahaatee muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii badanayey shilalka diyaaradeed ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, waxaan ugu dambeeyey mid kii ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.