Afar arrimood ka ogow R/W Maxamed Xuseen Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Saqdii dhexe ee xalay madaxweynaha Soomaaliya Maaxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib mudo 54-cisho ah oo dalku uu ra’iisul wasaare la’aan ahaa.

Ra’iisul wasaare Rooble waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la hor geeyo baarlamaanka, si uu u helo codkooda kalsoonida, intaas kadibna waxaa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumad cusub, taas oo mar kale la hor geynayo baarlamaanka si loo ansixiyo, waqtiga uu heystana waa 143-cisho oo ah mudada u hartay madaxweyne Farmaajo.

Magacaabistiisu waxa ay ku soo aaday saacado un kadib markii war-murtiyeed ka kooban 15-qodob laga soo saaray shir maalmo Muqdisho uga socday Madaxweyne Farmaajo iyo madaxd maamul goboleedyada, kaas oo heshiis looga gaaray hanaanka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya.

Caasimada Online waxay idinla wadaageysaa afar arrimood oo ku saabsan ra’iisul wasaarahan cusub.

Ra’iisul wasaare Rooble, wakhti kooban ayuu heystaa.

Waxaa wasiirka koowaad ee xukuumadiisa u magacaabay Madaxweyne ay mudo xileedka dowladiisa ka hartay 4-bilood iyo 23 maalmood, waxaana sugaya howlo culus oo ay ugu horeeyaan dhismaha xukuumad cusub iyo hir-gelinta heshiis doorasho oo uusan talo ku laheyn, kaas oo ka shaqeyntiisa la guda-gelayo 42-maalmood kadib. Waa bilowga bisha November.

Ra’iisul wasaarahan cusub inuu shaqo-galo oo xukuumad soo dhiso waxaa ka horeysa inuu helo kalsoonida baarlamaanka, kadibna uu isla baarlamaanka mar kale hor-keeno golihiisa wasiirrada.

Ra’iisul wasaare Rooble, ‘ma lahan khibrad siyaasadeed’

Rooble waa nin ku cusub siyaasadda Soomaaliya oo aan horay loogu arag, “Nin khibrad siyaasadeed leh ma lahan, guddoomiye gobol ma soo noqon, musharax maamul goboleed kama soo noqon, xildhibaan maamul goboleed ma soo noqon, xildhibaan federaal ma soo noqon, wasiir ku xigeen ma soo noqon, safiir ma soo noqon” waxaa sidaas yiri Maxamed Caalin oo ah falanqeeye siyaasadeed.

Caalin waxa uu qabaa inta badan Ra’iisul wasaarayaashii soo maray Soomaaliya in aysan laheyn wax khibrado siyaasadeed ah oo badankood magacaabistooda kadib un la bartay.

Ra’iisul wasaare Rooble waa Injineer ka soo shaqeeyey dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzaaniya iyo Sweden oo dhalashadiisa labaad uu ka heysto, waxuuna in ka badan 10-sano la shaqeynayey hey’adda Qaramada Midoobey ee Shaqaalaha Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ILO.

Ra’iisul wasaare Rooble, waxaa lagu tilmaamay nin aad u degan.

Dadka aqoonta u leh Ra’iisul Wasaarahan cusub ayaa ku tilmaamay in uu yahay nin degan oo af gaaban, isla maarkana jagooyin sare ka soo qabtay Qaramada Midoobey, isagoo gacanta ku hayey maamulka mashaariic badan oo ay QM ka fulisay Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble, waxaa maareyn ka rabta doorashada

In kastoo laga heshiiyay nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta, hadana waxaa ra’iisul wasaaraha cusub laga filayaa in xukuumadiisu ay xoojiso dhaqan-gelinta heshiiska doorashooyinka oo 17-kii bishan Muqdisho lagu kala saxiixday.

Maxamed Caalin oo ah aqoonyahan ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa mar uu la hadlayey BBC waxa uu yiri, “Hadda dib u dhis ciidan lagama sugayo, dib u dhis dhaqaale lagama sugayo, waxaa laga sugayaa in uu dib u habeyn ku sameeyo waxyaabaha lagu heshiinayay ee tubta doorashooyinka. Siyaasad ahaan xukuumaddiisa siday u xoojin doontaa amniga codeynta iyo dhex-dhexaadnimada la xiriirta dhaqaalihii caalamka uu baxsho ama musharraxiinta ay bixiyaan.”

Caalin waxa uu qabaa in hadii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ka leexdo hir-gelinta hanaanka doorasho ee lagu heshiiyey uu cagta saarayo dhabihii guul-darrada.