Sawirro: Wararkii u dambeeyey weerar culus oo ka socda hotel ku yaalla xeebta Liido

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ku billowday qaraxyo ayaa caawa lagu qaaday Hotel ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayada oo la maqlay dhowr qarax oo is-xigxigay iyo rasaas xooggan, kadibna waxaa gudaha hotelka galay dagaalyahano hubeysan.

Ugu yaraan labo qarax ayaa ka dhacday hotelkaas oo la dhihi jiray Ocean View, hadana lagu magacaabo Pearl Beach. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in rasaas xoogan ay ka socoto goobta.

Warbaahinta dowladda ayaa tebisay in ciidanka amniga ay gudaha u galeen Hotelka, isla markaana ay soo badbaadiyeen dad badan oo shacab ah oo hotelka ku sugnaa, waxaana dadka laga bixiyey albaab dambe oo dhanka xeebta xiga.

Badbaadinta dadka kadib waxaa bilowday howlgal weli socda oo ciidanka amnigu ay ku soo afjarayaan kooxdii weerartay Hotelka, waxaana lasoo bandhigay sawirrada ciidanka Haramcad oo ka dagaalamaya gudaha Hotelka.

Weli ma jirto cid xog ka bixisay khasaaraha ka dhashay weerarkaas, dowladduna weli kama hadlin, waxaana socda dadaallo ay lagu badbaadinayo dadka.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in weerarka ay bilaabeen rag soo xirtay jaakadaha qarxa, kadibna ay koox hubeysan ku xigsatay, kuwaasi oo hadda gudaha ka dhex dagaalamaya.

Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada ku nool caasimadda Muqdisho, waxaana la arkayey kumanaan qof oo markii uu weerarku bilowday ka cararaya xeebta iyo hoteellada ku yaalla.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse weli xog rasmi ah lagama helin heerka uu gaarsiisan yahay.

Kala soco Caasimada Online, wixii kasoo kordha weerarkaas