Xasan oo kulan gaar ah la yeeshay golaha wasiirada K/G, farayna laba arrin

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey kulan gaar ah oo ay yeesheen golaha wasiirrada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa waxaa lagaga arrinsaday dib-u-heshiisiinta iyo xoreynta deegaanada ay argagixisadu ku dhibaateynayaan dadka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha oo uu wehlinayo Cabdicasiis Laft-agreen ayaa golaha wasiirrada la wadaagay qorsheyaasha dowladda federaalka ee dardar-galinta wejiga labaad ee howl-galka dib u xoraynta dalka oo qorshuhu yahay “in waqti kooban lagu soo gaba-gabeeyo.”

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh faray masuuliyiinta ka qeyb-galay shirkan in ay qaataan masuuliyadda ka saran adkeynta xoraynta deegaanka iyo ilaalinta wada-jirka shacabka.

Arrintaan ayuu sheegay madaxweynaha inay hormuud u tahay in la helo Koonfur Galbeed xasilloon, heshiis ah, islamarkaana xor ka ah ficillada gurracan ee Khawaarijta Al-Shabaab.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb-galay xubno ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya, agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay u jooga arrimaha dib-u-heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaridka iyo Lafta-gareen.