Sawirro: Xasan Sheekh oo qodobo culus kala hadlay Mohammed Bin Zayed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxweyne Maxamed Bin Saayid ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen, waxa uuna soo bandhigay doorka ay dowladdiisu ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna iyo dib u soo celinta  taageeradooda ku aaddan ammaanka iyo adeegyada bulshada ee dowladda Imaaraatku ay ka fulin jirtay dalkeenna,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay madaxtooyada Soomaaliya.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraadka, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

Agaasimaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranak Mahad Maxamed Salaad ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey kulankaan uu la yeeshay dhigiisa dalkaas Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii afaraad ku hoyanaya dalkaas ayaa warar saacadihii lasoo dhaafay soo baxay waxay sheegayeen in xubno ka mid ah wafdigiisa laga helay xanuunka Coronavirus, in kastoo ilaa hadda aysan Villa Somalia faahfaahin ka bixin warkaas soo yeeray.

Safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii hore la qorsheeyey in lagu soo koobo labo cisho, balse wuxuu qaatay waqti dheeraad ah oo la aaminsan yahay inay sababtay xaaladaan karaantiilka ah ee la geliyey xubno la socday Madaxweynaha oo laga helay xanuunka COVID-19.