Wareysi: Qorshihii fashilmay ee lagu heshiisiin lahaa Rooble iyo Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Professor Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu ku shaaciyey in hadda ka hor uu isku deyey inuu dhexdhexaadiyo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Prof. Ingiriis oo wareysi siiyey TV-ga SMS ayaa ka sheekeeyey kulamo uu Fahad iyo Rooble la yeeshay maalmihii uu soo bilowday khilaafkooda, isagoo sheegay inuu ku guul dareystay in heshiis uu dhex-dhigo labadaas nin.

Wuxuu sheegay in Ikraan Tahliil oo sii maqaneed mudo todobaad ah uu fursad u helay in Muqdisho uu kula kulmo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Agaasime Fahad Yaasiin, balse labaduba ay ka diideen inuu dhexdhexaadiyo.

Sidoo kale Ingiriis ayaa sheegay in gardarada uu saarayo Fahad Yaasiin oo sida uu sheegay xiligaas heystay awood ku filan, diidayna inuu la heshiiyo Rooble, inkastoo sida uu sheegay Rooble xitaa uu ka cago jiiday wadahadal dhex mara isaga iyo Fahad.

Dhinaca kale kiiska Ikraan Tahliil oo markaas la weysnaa mudo todobaad ah ayuu sheegay inuu kala dooday Fahad, Yaasiin Farey iyo Shuute, iyagoo ka balan qaaday in baaritaan deg deg ah ay ku sameynayaan kiiskaas.

Professor Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa sheegay in cabsi uu ka qabay xukuumadii Xasan Cali Kheyri uu Muqdisho u imaa waayey sanadihii hore ee dowladii Farmaajo, isagoo farta ku goday Kheyre, Saadaq Joon iyo Sanbaloolshe oo sida uu sheegay caburin badan ku hayey dadka reer Muqdisho.

Hoos ka daawo wareysiga