Sawirro: Xamza oo caawa la kulmay Farmaajo iyo Sheekh Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee dalka Xamse Cabdi Barre, ayaa caawa booqasho ugu tagay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo degan agagaarka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Ra’iisul wasaaraha in uu Rabbi u fududeeyo masuuliyadda Qaran ee uu dalka iyo dadkaba u qabtay. Waxuuna la wadaagay talooyin ku aaddan sidii dalka horay loogu wadi lahaa.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa isla caawa salaan ugu tagay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo Ra’iisul Wasaaraha u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda qaran.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Madaxweyne Shariif ka dhageysay talooyin iyo tusaalooyin ku aaddan howlaha horyaalla marka uu helo kalsoonida golaha shacabka.

Arbacadii maanta ayuu qorshuhu ahaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Barre la hor geeyo baarlamaanka, si loogu qaado codka kalsoonida, balse waxaa qorshahaas dib u dhigay safarka dheeraaday ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka uga maqan yahay.