Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashada 8 kursi ee maanta ka dhacday Ceelwaaq?

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Jubaland ayaa maanta degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ku qabtay doorashada qaar ka mid ah kuraastii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka.

Kursiga HOP#119, oo ahaa kii ugu horreeyey ee doorashadiisa la qabto, ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Abukar Xaaji oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii uu tanaasulay musharixii kale ee la tartami lahaa kaas oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.

Wasiir Cabdullaahi ayaa wuxuu saaxiib dhow la yahay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Mudane Faarax Macalin Bishaar iyo mudane Xassan Aadan Xassan ayaa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay #HOP216, waxaa ku guulaystay kursigan mudane Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP116 oo kamida kuraasta maanta doorashadooda ay ka dhacday Degmada Ceelwaaq ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah Duniyo Cismaan Yuusuf iyo Xaawo Khaliif Dubad.

Sida ay guddiga SEIT Jubbaland shaaciyeen kursigan waxaa kusoo baxday Xildhibaan Duniyo Cismaan Yuusuf.

Waxaa sidoo kale la qabtay doorashada kursiga  tirsigiisu yahay #HOP087 oo ay ku tartamayeen musharixiinta kala ah Aamino Xuseen Cali & Faadumo Ibraahim Cali.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland oo natiijada kama dambaysta ah ku dhawaaqay ayaa sheegay in kursigan ay ku guulaysatay Xildhibaan Aamino Xuseen Cali.

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP102 oo kamid ahaa kuraastii taalay deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay labada musharax ee kala ah mudane Cismaan Libaax Ibraahim & Mustaf Maanow Geedi ayaa waxaa ku guulaystay sida Guddiga ay shaaciyeen mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim.

Maxamed Aadan Macalin & Xassan Cabdi Axmed ayaa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay #HOP090 waxaana natiijada guddiga SEIT ay shaaciyeen ku guulaystay mudane Maxamed Aadan Macalin.

Musharax Xildhibaan Aadan Ibraahim Isaaq iyo Musharax Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ku tartamayay kursiga tirsigiisu yahay #HOP065, waxaana ku guulaystay Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji kadib markii uu u tanaasulay musharixii la tartamayay.

Mudane Cabdiqaadir Xuseen Cabdi iyo mudane Cali Guurre Maxamed ayaa ku tartamay kursiga sumadiisu tahay #HOP091 oo tartankiisa la qabtay waxaana kursigan ku guulaystay sida natiijadii kama dambaysta ahayd ay ku sheegeen Guddiga Doorashooyinka Jubbaland SEIT mudane Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen Cabdi.