Madaxweyne ku-xigeenada laba maamul goboleed oo mucaaraday golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa si wadajir ah u qaadacay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.

Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Madaxweyne ku xigeennada Maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa waxaa ay ku sheegeen in kulan gaar ah oo ay ku yeesheen aalada fogaan araga ay kaga tashadeen aayaha beesha ay kasoo jeedaan ee degta degaannada Jubbaland, Galmudug, Itoobiya iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa ay sheegeen in xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre loogu xadgudbay awood qeybsiga Beelaha Daarood, isla markaana ay qaateen go’aan ah inay midoobaan ayna tashadaan.

Sidoo kale labada Madaxweyne kuxigeen waxaa ay ku baaqeen in la isugu yimaado shir ay uga tashanayaan caqaabdaha horyaalla iyo quursi ay sheegeen in lagu sameeyay Beeshooda.

Ugu dambeyn shirka ayaa ay ku casuumeen labada Golle ee Baarlamaanka, Xukuumadda, labada dowlad goboleed, Odayaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta Beeshooda, isla markaana ay si deg deg ah ku magacaabi doonaan guddi isku-dhaf ah oo ka soo shaqeeya xilliga uu dhacayo shirka iyo halka lagu qabanayo.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka ay soo saareen