Saynis yahano saadaaliyay in Muqdisho caawa laga arki doono dayax madoobad

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Sanad waliba awoodda Alle waxaa dhaca qorrax Madoobaad iyo Dayax madoobaad,iyada oo marka Bisha madoobaato halka marna qorraxda Madoobaato.

Hay’ad la socota Arrimaha Saadaasha Hawada ayaa soo saartay Warbixin la xiriirta in Caawa meelo badan oo ka mid ah Caalamka laga arki doono Dayax Madoobad.

Goobaha la soo qaatay ayaa waxaa ka mid ah Caasimadda soomaaliya ee Muqdisho,Saynisyahanadu waxa ay sheegeen in Dayax Madoobadku uu bilaaban doono  6:14 Daqiiqo ilaa Caawa Fiidkii 7:8 Daqiiqo.

Inta badan Reer Galbeedka ama dadka aan Muslimka ahayn waxaa ay gataan Ookiyaalo waaweyn oo Bisha ama qorraxda soo dhaweeya si ay u arkaan qaabka ay wax u socdaan,halka Dadka Muslimiinta ah tagaan Masaajidda iyaga oo dukanaya Salaadaha Khusuufka iyo Kusuufka.

Dadka barta Cilmiga Sayniska ayaa waxa ay sheegayaan in Dayuxu uu ku wareegayo dhulka, halka dhulkuna uu ku wareegayo Qoraxda,intaasi kadibna qoraxdu uu soo dhexgalo Dayax Madoobaad.

Dayax madoobaadyada kale ee la saadaalinayo in ay ka dhacaan Soomaaliya  waxaa ay dhacayaan 27-28ka July 2018 ,21ka January 2019,16-19ka July 2019 iyo 11ka November 2019,oo uu wareeg sameyn doono meeraha Mercury.

Linkigan ka eeg xogta.

https://www.timeanddate.com/eclipse/in/somalia/mogadishu

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com