Seyga afhayeenka congress-ka Mareykanka oo XABSI lagu xukumay + Sababta

Washington (Caasimada Online) – Seyga Nancy Pelosi, oo ah Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka, ayaa lagu xukumay muddo shan maalmood ah inuu xabsiga ku jiro kadib markii uu qirtay dambi ah inuu gaarigiisa kaxeeyey isaga oo cabsan.

Paul Pelosi, oo 82 jir ah, wuxuu qirtay inuu dareensanaa saameynta ay qamradu caqligiisa ku reebtay goortii uu gaarigiisa nuuca Porsche uu ku galay shilka bishii March ee sannadkan. Waxaana uu sababay dhaawac soo gaaray qof rayid ah. 

Ninkan milyaneerka ah, qirashadiisu eedeymo kale oo xoog badan oo loo heysto ayay ka badbaadinaysaa. 

Paul wuxuu qabay Nancy Pelosi oo ah haweeney xubin sare ka ah Congress-ka Maraykanka tan iyo sannadkii 1963-kii. 

Muddo dheer kuma sii jiri doono xabsiga marka la eego qirashada uu sameeyey oo ah inuu dambiile yahay. 

Shilka kaddib habeenkii uu xabsiga ku jiray oo ahayd 28 May waxay u xisaabsanaan doontaa labo maalmood. Labo maalmood oo kale waxaa looga dhaafay anshax wanaaggiisa. Maalinta ugu dambeysana, wuxuu sideed saacadood oo kamid ah uu ku bixin doonaa howlaha adeegga bulshada sida nadaafadda waddooyinka. 

Paul oo ah aas-aasaha shirkad ganacsi, waxaa sidoo kale la marin doonaa tijaabo soconaysa saddex sannadood. Waxaana laga rabaa inuu xaadiro koorso saddex bilood ah oo lagu baranayo saameynta taban ee ka timaada marka adigoo cabsan aad gaari kaxaysid. Waxaa sidoo kale laga doonayaa inuu bixiyo lacag dhan $7,000 oo ah cawilcelin ama magdhow. 

Laakiin marnaba ma lumin doono shatiga gaari kaxaynta. Waxaase looga baahan yahay inuu hadiyo jeer hubsado isticmaalka aaladda shidda fareejada ee baabuurkiisa ku xiran, taas oo qofku ku maro tijaabada qamriga kahor inta aanu gaariga kaxaynin. 

Paul ma uusan joogin maxkamadda maalintii Talaadada markii ay soctay dhageysiga xukunkiisa. 

Shilku wuxuu xilli habeennimo ah ka dhacay magaalada Oakville ee gobalka California goor uu kasoo baxayay gurigiisa. Waxaana safarka ku wehliyay saaxiibkiisa muddada dheer – ahna deeqbixiye kamid ah Xisbiga Dimuqraadiga ah. 

Sida ay ku warrameen booliska, Paul wuxuu gaariga ku dhiftay gaari kale oo nooca Jeep ah, meel u dhow gurigiisa. Labada gaariga ayaana lagu soo warramayaa inay wada burbureen. 

Nancy ayaa siisay saraakiishii ka warbixinaysay goobta kaar muujinaya in Paul uu xubin ka ahaa naadi samafal oo taageerta waaxda ilaalada waddooyinka California, sida ku qoran cabashada booliska. 

Xilligaas Nancy ayaa ku sugneyd meel kale oo kamid ah Maraykanka, waxayna kaga qeybgalaysay xaflad qalinjebin ah oo ka socotay Jaamacadda Brown. 

Xafiiskeedu wuxuu ka gaabsaday inuu sii bixiyo faahfaahin intaas ka baxsan. Waxayna kusoo koobeen inay tahay ‘arrin gaar ah.