25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Shaakir oo war cusub kasoo saaray xaaladda Galmudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi.

Warqada ka soo baxday xafiiska Sheekh Shaakir ayaa ugu horreyn lagu amray wasiiradii hore ee la magacaabay 13/10/2018-kii inay howlahooda shaqo sii wataan, inta la soo dhisayo golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu wargeliyey in cid kasta oo ay quseyso arrimaha Glamudug inay la shaqeyso wasiiradii hore, si loo sii wado howlaha maamulkaasi.

Ugu dambeyn warsaxaafadeedka ayaa loogu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in dhaqaalaha loogu talagalay Galmudug aysan u isticmaalin danaheeda gaarka ah, maadaama loogu deeqay bulshada weynta Galmudug.

Ahlu Sunna Waljamaaca oo si weyn uga soo horjeeda madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda ayaa weli dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada magaalada Dhuusamareeb ee caasimada gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka aqriso

- Advertisement -

Read more

Local News