Shabaab oo sheegatay inay Boosaaso ku dishay 7 askari

Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh u geysatay Askar ka tirsan ciidamada maamul Goboleedka Puntland kadib iska hor’imaad labada dhinac ku dhex maray gudaha Magaalada Boosaaso.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu iska hor imaadka bilowday kadib markii Miinada nooca dhulka lagu aaso lagu qarxiyey gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamada Puntland.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay ku dhinteen illaa 7 askari halka uu burbur xooggan gaaray gaarigii la beegsaday.

Maamulka Puntland weli kama hadlin sheegashada Al-Shabaab iyo sida ay wax uga dhaceen Magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho iyo duleedkeeda ka dhacay.

Sarkaal darajadiisa ciidan ay aheyd 2 xidigle ayaa lagu dilay agagaarka Hoteelka Lafweyn ee degmada Kaaraan, sidoo kale askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa saaka lagu dilay Koontaroolka degmada Balcad iyadoona xoogagii falkaas geystay ay horay usii qaateen qorigii uu watay askariga.