Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray goobaha cidbixinta & Mucaaradka oo durba diray fariin

Muqdisho (Caasimada Online)-Shacabka dalka Jabuuti waxaa saaka ay u dareereen goobaha codbixinta iyagoo soo dooranaya xildhibaanada baarlamaanka dalkaas oo ka kooban 65 kursi.

Xisbiga talada haya ee RPP ayaa ku rajo weyn inay si fiican ugu guulaystaan doorashada, si ay usii maamulaan dalka Jabuuti.

Kuraasta baarlamaanka 10 kursi mooye inta kale waxaa heysta isbahaysiga talada haya,waxana uu xisbigaas rajeynayaa in uu ku guuleysto kuraas ka badan inta uu haatan haysto.

Xisbiga Mucaaradka ee Dhaqdhaqaaqa Horumarinta iyo Xoriyada ayaa ku hanjabay in ay qaadacayaan doorashooyinka oo ay ku tilmaameen geeddi-socodku in aanu noqon doonin mid hufan.

Mucaaradka ayaa sidoo kale ku eedeeyay hoggaanka guddiga doorashooyinka qaranka inay u xaglinayaan xaga xisbiga talada haya oo iska fogeeyeen eedeeymahaas.

Geesta kale guddoomiyaha guddida Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in uu geeyay gudi ka socda kormeerka hannaanka doorashooyinka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Anicet-Georges Dologuele, oo ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com