Shacabka oo soo carro leh uga jawaabay hadalkii ra’iisul wasaare KHEYRE

Muqdisho (Caasimada Online) – Bulshada Soomaaliyeed kuwooda ku xiriira baraha bulshada sida facebook ayaa u muuqda kuwa aad uga carrooda hadalalda ra’iisul wasaare Kheyre uu ka yiri mushahar la’aanta ciidamada dowladda.

Caasimadda ayaa ogaatay inay jirto kalsoonida darri shacabku ka qaadeen ereyada R/W Kheyre uga fal-celiyay xaaladda ay ku jiraan ciidamada dowladda, kuwaas oo muddo ku dhow shan bilood aan qaadan mushahar– halkii looga fadhiyay inuu ka bixiyo jawaabtii ku habbooneyd.

Hadalladiisa waxaa ku jiray inaysan jirin ciidamo dowladda u xisaabsan oo aan helin wax mushahar ah, haddii ay jiraanna uu yiri ay yihiin kuwo aan u diiwaan-gashaneyn dowladda dhexe.

Iyaga oo haddaba is barbar-dhigaya waxa ka runta ah hadallada Kheyre iyo gadoodka muuqda oo ciidamada qaranku kaga soo baxayaan furumaha dagaalka, waxay qaarkood dhawaaqiisa ku tilmaameen mid aan la qaadan Karin.

Haddaba waa kuwan qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed oo aragtidooda ku cabbirayay sida ay u arkaan jawaabta R/W Kheyre.

Qaar kale ayaa ku hakaday maahmaahdii aheyd – Wadar iyo waaxid kumaa waalan?!

In kale ayaa si xusuusin le hula dardaarmay madaxda qaranka – iyaga oo amaanada shacabka ay u dhaarteen ugu baaqay inay Alle ugu dhawaadaan.

Balse, in kale ayaa aragtidooda ku cabbiray jiritaanka musuqa kusii xididaysanaya laamaha kale ee dowladda kaas oo si aan laga fursan Karin ugu baahay xittaa xuquuqdii ay lahaayeen ciidamada qaranka.

Si kastaba, ma cadda haddii si dhab ah hadda kaddib ay dowladdu kaga fal-celin doonto xuquuqda ciidamada ka maqan ama ay kusii adkeysan doonto kusii dhaqanka caadada u noqday dowladihii hore oo ahayd – in yar hoo, in badan ku aamus. Taas oo laftigeeda aad mooddo in ciidamada dowladdu ay qadyaan ka joogaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com