Wasiir Maareeye oo weli fahmi la’ shaqadii uu R/W Xasan Kheyre u dirsaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa fahmi la’ shaqadii uu u dirsaday Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka oo ay wasaaradiisa ku jirto xaalad u baahan badbaado iyo in laga joojiyo musuq maasuqa baahsan ee ka socdo ayaa ka hadlay Khilaafka ka taagan mushaaraadka Ciidamada Dowladda.

Wasiir Maareeye ayaa ku eedeeyay inay gacmo qaran dumis ah sida uu yiri ku jiraan ciidamada oo diidan in la tiro koobo ciidamada, wuxuuna ku dooday inay jiraan ciidamo laba mushaar qaata oo ka hoteelada iyo Hay’addaha kale ee dowladda.

Wasiirkan Ganacsiga oo aanay quseyn arrinta ciidamada ayaa difaacayey wasiirka Maaliyadda oo uu kasoo xigtay in ciidamada ay qaateen mushaarkooda.

Wasiir Maareeye ayaa hanjabaad u diray Warbaahinta iyo Saraakiisha ciidamadad oo uu ku tilmaamay inay lacag ku qaateen sidii ay u buun buunin lahaayeen Ciidamada isaga soo baxay afaafka hore ee dagaalka kadib markii ay waayeen mushaaraadkooda.

Hadalka Wasiir Maareeye ayaa kusoo aadayo xilli ganacsatada Soomaaliyeed ay dhibaato ku qabaan wasaaradda uu Wasiirka u yahay oo ay ka jirto musuq maasuq iyo Laaluush.

Qofka u baahan inuu Wasaaradda ka helo waxyaabo la xiriiro ganacsigiisa ayaa Wasaaradda Ganacsiga kala kulmo dhibaato isugu jirto Laaluush iyo inaan loo qaban shaqadii uu wasaaradda uga baahnaa.

Qaar ka tirsan Hey’adaha ka shaqeeyo Muqdisho iyo ganacsatada ayaa Caasimadda Online u sheegay inuu Wasiir Maareeye bil kasta ka qaato lacago baad ah si ay shaqadooda ugu sii socoto.

Qaar ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dacwad ka dhan ah Wasiir Maareeye u gudbiyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kadib markii ay xoogeysatay musuq maasuqa ka socdo Wasaaradda Ganacsiga.

Waxaa wax lala yaabo ah inuu Wasiir Maareeye ka hadlo arrimo aan khuseyn oo dhanka Ciidamada iyo mushaaraadka ah iyadoo ay xaaladaan halista ah ku jirto Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya.

Caasimadda Online ayaa dhawaan idiin soo bandhigi doonto Documentiyo muujinayo musuq maasuqa baahsan ee ka jiro wasaaradda Ganacsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com