Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur ”Tarsan” ayaa cod dheer ku sheegay in Guddiga cusub ee doorashooyinka dalka ay yihiin kuwo wali ay ku jiraan Xubno ka tirsan Madaxtooyada Somalia.
Tarsan ayaa sheegay in wali uu shaki ka qabo in Guddigaasi ay yihiin kuwo xalaal ah waxa uuna tilmaamay in Madaxtooyada Somalia ay Guddiga ku dhex leeyihiin xubno muuqda.
Tarsan waxa uu sheegay in walaac uu ka muujinaayo qaabka ay u shaqeyn doonaan Xubnaha Guddiga waxa uuna farta ku goday in Guddigaasi ay afka ciida u dari doonaan codadka.
Waxa uu sidoo kale, sheegay in shakiga ugu badan uu yahay mid ka taagan dhanka xubnahaasi iyo qaabka ay dhex dhexaad uga noqon karaan doorashada, isaga oo meesha ka saaray inay jiri karto cadaalad.
Dowladaha saaxiibada la ah Somalia ayuu ugu baaqay in laga fiirsado aasaaska Guddigaasi, wuxuuna carabaabay in kala bar ay yihiin kuwo ay wadato Madaxtooyada Somalia.
Dhanka kale, Tarsan ma uusan faramuuqin xubnaha taabacsan Madaxtooyada Somalia ee ku dhex jira Guddiga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]