Daawo video: Ethiopia oo kamid noqotay golaha ammaanka QM

New York (Caasimada Online) – Dowlada Itoobiya ayaa ku guuleystay Kursigii Golaha Amaanka ee Qaarada Afrika labada sano ee soo socota, codbixinta ka dhacday Golaha Loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (General Assembly) Salaasadii lasoo dhaafay ayey Itoobiya ku heshay codod gaaraya 185 Wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

hanta Kursi ee aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee labada sano ee soo socota (2017-2018) ayaa loo kala qeybiyey 1 kursi Afrika, 1 Kursi dalalka Latinka, 1 Kursi dalalka Aasiya iyo 2 kursi dalalka Yurub.

Itoobiya ayaa cod aqlabiyad ah ku guuleystay Kursigii Afrika, halka kursigii qaarada Aasiya ay ku guuleysatay dowlada Kazakistan, dalalka Latinka kursigooda ayaa waxaa helay wadanka Bolivia.

Itoobiya-Golaha-Amaanka2

Kuraasta Yurub

Labada kursi ee sanadada soo socda loo qoondeeyey qaarada Yurub ayaa waxaa ku tartamayey sadex wadan oo kala ahaa Sweden, Holland iyo Italy. Dalka Sweden ayaa isagu cod aqlabiyad ah ku guuleystay hal kursi. Halka Holland iyo Italy oo heli waayey codod ku filan oo ay ku kala guuleystaan kursiga soo haray ay ku heshiiyeen inay qeybsadaan kursigaasi.

Holland iyo Italy ayaa midkiiba heyn doono hal sano kursiga Golaha Amaanka, waana markii ugu horeysay oo ay farsamo noocaan ah dalalkasi u qeybsadaan kursiga Golaha Amaanka.

Dhinaca kale dowlada Itoobiya ayey guulweyn u tahay inay kursi ka hesho Golaha ugu awooda badan hay’adaha caalamka ee Golaha Amaanka, kursigaasi oo ay muddo dheer usoo ololeenayeen. Waxayna dadaalkooda ka muuqataa tirada badan oo ay cododka aqlabiyada ah oo ay ka heleen dalalka kale ee Caalamka, sidoo kale inta badan dalalka Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa u codeeyey in Itoobiya kursigaasi hesho.