Xog: CCC oo meesha ka saaray arrin laga cabsi qabay in 2016…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo kulamo gaar gaar ah la qaatay siyaasiyiin saaxiibo dhow la ah ayaa kala hadlay arrimaha ku xeeran doorashada dalka.

Ra’isul wasaaraha dalka ayaa siyaasiyiintaasi u xaqiijiyay in Dowlada Federaalka uu go’aankeedu yahay inaan saacad ka dib dhicin xiliga doorashada waxa uuna u ballanqaaday inaan cabsi ka qabin in doorashada ay dhaceyso dhankooda.

Sharmaarke ayaa siyaasiyiintaasi uu la qaatay kulamada ka duwan u cadeeyay inuu jiro heshiis ay wada gaaren Beesha Caalamka kaasi oo mamnuucaaya in laga leexdo wixii lagu heshiiyay sidaa aawgeedna ay ku khasban yihiin in doorashada aanu dib u dhac ku imaan.

Isaga oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu carab dhabay in Madaxda Dowlada Federaalka ay u furan tahay in shaqsigii rajo kaleh siyaasada Somalia uu dib isu soo sharaxo, balse uu heshiisku yahay inaan wakhti kororsi la sameeyn.

Dhicitaanka doorashada ee wakhtigeeda ayuu sheegay inay dan ugu jirto dhammaan Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Musharaxiinta u taagan doorashada si ay iyaguna u helaan fursad.

Siyaasiyiinta uu siyaabaha kala duwan ula kulmay ayuu qudhooda ku booriyay inay qeyb ka noqon karaan doorashada waa haddii ay jiraan shaqsiyaad awood u leh dhaqaalaha baxaaya.

Siyaasiyiinta ayaa siyaabo kala duwan usoo dhaweeyay ballanqaadka Ra’isul wasaaraha ee xiliga doorashada waxa ayna mahad celin usoo jeediyeen Sharmaarke.

Geesta kale, kulankaani ayaa ahaa mid caadi ah oo uu sharmaarke kula mushaaxaayay saaxiibadiisa dhanka siyaasada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com