Tacsi: Geeridii Maryan Cabdul Qaadir Cusman iyo caruurteeda

Qoyska reer Xaaji Cowle iyo reer Cali Wardheere, reer Dabey Geedi, reer Jucfe Samatar, hooyo Faaduma Guuleed Jucfe, hooyo Madiina Cali Barre, Ilma Cabdulle Orfane iyo hooyadood Faaduma Cali Sabriye waxay tacsi tiiraanyo leh u direyaan Xaajiyo Faanta Cismaan Caddow iyo Xaaji Ibraahim Ismaan, Luuleey Ibraahim, reer Xasan Cowle hooyadood iyo Cabdulqaadir ibraahim iyo reer Cabdulqaadir Cismaan.

Waxay dhammaantood oo uga tacsiyeynayaan geeridii naxdinta laheyd oo Ku timid Allaha u naxariistee Maryan Cabdulqaadir Cismaan oo ayada oo Xaamila aheyd iyo afarteeda caruur ay shalay oo Ramadaan 27 ahaa ku geeriyooday dalka Sacuudiga.

Waxaan Allaha uga baryeynaa Janna Fardowsa aclaa ka waraabiyo, Islamarkaana Cabdulqaadir Ibraahim oo ah aabihi qoyskana waxaan Allaha uga baryeynaa inuu qalbigiisa u qaboojiyo samir iyo aamiinna ka saaiyo.