XOG: Geerida Gudoomiye la dilay oo goordhow soo shaac baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya deegaan halkaasi ku yaalla lagu khaarijiyay Guddoomiyihii Degaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud Qadar Maxamuud Cali.

Geerida Guddoomiyaha oo ah mid laga qarinaayay Saxaafada ayaa waxa uu ka dhacay Tuulada Ceel-hareeri oo hoostagta Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha ayaa ku geeriyooday dagaal qaraaran oo ka dhacay Tuulada Ceel-hareeri waxaana la sheegayaa in lagu dhuftay todobo xabadood.

Maamulka Gobolka Galgaduud ayaa ka gaabsaday in xog dheeraad ah ay ka baxshaan geerida Guddoomiyaha waxa ayna sheegen inaanu fasax u qabin in saxaafada ay uga xog waramaan geerida Guddoomiyaha.

Ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galgaduud kaa oo ku saleysan geerida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com