Xog: Xasan, R/W CC iyo Jawaari oo kulan xasaasi ah ka yeeshay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan Ilo wareedyo ku sugan Xarunta Madaxtooyada Somalia waxaa halkaasi kulan uu albaabada u xiran yahay kuwada qaatay Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh, Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xogta kulankaani aan ka heleyno ayaa sheegeysa in kulanka uu ahaa mid culeyska lagu saarayo howlgalinta Guddiga doorashooyinka iyo qaabka loo dhameystiri lahaa howlaha ka harsan doorashooyinka sida dadajinta xulista Xildhibaanada.

Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh ayaa soo jeediyay in muddo ka yar bil lagu soo afmeero howlaha ka harsan doorashada ee iminka qabyada u ah dowlada, waxa uuna cadeeyay in shaqooyinka horyaal iyo wakhtiga u harsan aanan is qaadaneynin.

Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale qiray inta kulanka uu socday in dowladu ay dhaliilo xoogan kala kulmeyso saaxiibada caalamka ee ka howlgalo Somalia, sidaa aawgeed loo baahan yahay in lasoo afmeero howlaha harsan si looga fogaado dhaliilaha taagan.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa dhankooda kasoo dhaweeyay dalabka Madaxweyne Xassan waxa ayna dhankooda ka qireen in dowlada Somalia aysan heysan wakhti sidoo kalane ay jiraan dhaliilo farabadan oo lagala kulmaayo saaxiibada Somalia.

Sharmaarke iyo Jawaari ayaa Madaxweyne Xassan u ballanqaaday in si dhaqsi ah ay kusoo gabagabeyn doonaan howlaha u harsan labada Gole ee dalka waxa ayna sidoo kale soo dhaweeyen dadaalada uu Xassan Sheekh ku doonaayo inaan doorashada wakhtigeeda la dhaafin.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka khaaska ah ee Seddexda mas’uul wada qaaten ayaa imaanaya xilli DF loo jeedinaayo dhaliilo lixaad leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com