27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Shaki kala dhex galay madaxda DF iyo geerida taliyaha oo la siyaasadeeyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Aqalka madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Geerida Taliyaha Ciidamada Boliska soomaaliyeed Gen, Maxamed Sheikh Xasan Cismaaciil uu ka dhashay kala shaki soo dhex galay Madaxda Dowlada.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan Sheekh uu amar ku bixiyay in baaritaano adag lagu sameeyo Geerida Taliyaha, kadib markii Ra’isulwasaare C/weli uu Siyaasadeeyay Geerida.

Geerida Taliyaha ayaa waxa ay imaaneysaa xili uu Khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli, iyadoo khilaafka uu qeyb ka ahaa xilka loo dhiibay taliyaha Boliska S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo ahaa mid xiligaasi aan lagala tashan Madaxweynaha.

Sidoo kale, Geerida taliyaha Boliska S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa lala xiriirinayaa inay ka qeyb qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia, sida laga aaminsan yahay Xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Jen. Maxa’ed Sheekh Xasan, ayaa isagoo Xanuunsan la geeyay Isbitaalka, markii Saacado yar uu ku jirayna waxaa la sheegay inuu geeriyooday oo tiisa ay dhamaatay, balse taasi Shaki ayay ka muujiyeen Hay’adaha Sirdoonka DFS.

Dhanka kale, dadka ayaa waxa ay is weydiinayaa waxa Geerida Taliyaha kusoo beegay xili uu khilaaf ka dhex taagan yahay Xassan iyo C/weli kaasi oo la rumeysan yahay inuu ka dhashay Magacaabista Taliyaha Boliska ee iminka geeriyooday

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News