Shan QOF oo haraad iyo gaajo ugu geeriyooday Gedo

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya inay ka sii dareyso xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta gobolkaasi oo ay ku dhufatay abaar xoogan oo saameysay dadka iyo duunyada intaba.

Illaa iyo shan qof ayaa lagu soo warramayaa iney haraad iyo gaajo ugu geeriyoodeen agagaarka degmada Ceelwaaq oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay ka jirto abaarta.

Sidoo kale waxaa sare u kac xoogan uu ku yimid qiimaha la kala siisto maciishadda, taas oo keentay in dadka danta yar aysan helin cuno iyo biyo ku filan.

Xoolaha ayaan sidoo kale heysan baad iyo biyo ay cabaan, waxeyna taas sii adkeysay xaaladaha nololeed ee ka jira halkaasi.

Maamulka degmada ayaa sheegay inay xaaladdu faraha ka baxday, isla-markaana ay dalbanayaan in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadkaasi.

Guddoomiyaha Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa farriin culus u diray dowladda Soomaaliya, Jubbaland iyo hay’adaha samafalka, isaga oo uu ugu baaqay inay soo caawiyaan dadkaasi ku dhibaateysan degmada iyo duleedkeeda.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira xaalado is biirsaday, sida murano ka dhashay doorashada iyo xaalado bani’aadanimo oo heysta qoysaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi.