Maxaa laga baran karaa dib u dhaca doorashada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa marar badan dib u dhacday, sabab la xiriira khilaafaadka siyaasadeed ee weli ka jira dalka, waxaana fashil uu ku yimid jadwalkii u dambeeyey oo ahaa in doorashada lagu soo gabagabeeyo 15 March.

Cabdiraxmaan Xuseen Cadow oo ah guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka Dal-Dhis ayaa ka hadlay dib u dhacyadan soo laa laabtay ee sababay daaha doorashooyinka Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo uu warramay Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in doorashada socota ay tahay tii ugu xumeyd, laga soo bilaabo illaa 1969-kii, wuxuuna tilmaamay in xildhibaanada hadda soo baxay ay yihiin kuwii ugu kalsoonida xumaa.

“Horta doorashadan tii abid u xumeyd weeye ama mid dadban ha noqoto ama mid hal oday wax soo xulay ama tii masuq-maasuqa ee 69-kii ee sababtay dowladdii milatariga inay dalka la wareegto waa tii ugu xumeyd xildhibaanada hadda soo baxay waa kuwii ugu kalsoonida xumaay deegaan doorashada ay ka heystaan,” ayuu yiri Mr. Cadow.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in doorashadan laga baran karo cashar, si looga baaqsado dib u dhaca doorashooyinka imaan doono, isaga oona ku taliyey in dowladda soo socota ay ka shaqeyso in la dhiso maxkamad dastuuri ah, dalkana ay ka saarto doorashada KMG ah.

“Waxyaabaha laga baran karaa waxaa weeye dalkan cidda imaan doonto mar hore waddo sax ah inay qaado afar sano oo maandheetkeeda uu heesto ka hor yacni dalkan maxkamad dastuuri ah in la sameeyo dalkan doorashada KMG ah inuu ka baxo,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaa loo baahan yahay xildhibaanada hadda soo baxay qaabka ay doonaan haku soo baxaan shaqadaas ayaa u taallo, waxaana loo baahan yahay in dalka iyo dadka ay bad-baadiyaan, kuna bad-baadiyaan fursadda ay heystaan,”

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan doorashada Soomaaliya ay qaadatay hal sano iyo dheeraad, taas oo ay sababeen dib u dhacyada jadwalladii horey loo soo saaray.