Shaqooyinka qaranka oo u joogsan raba lacag la’aan

Muqdisho (Caasimada Online) – Lacag la’aan, maamul xumo, iyo wal walka xoog leh oo ku aadan mustaqbalka Soomaaliya ayaa ka taagan magaalada Muqdisho,  kaas oo ay dareemayaan dadka xog ogaalka ah iyo kuwa ay saameysay mushaar la’aanta ee shaqaalaha dowladda iyo ciidamada qaranka.

Xafiisyada dowladda qaarkood ee lacag la’aanta ah iyo shaqaalaha iyo ciidamada aan qaadan mushaar ayaa lugta geliyay bishii 6-aad, taas oo saameyn ballaaran ku yeelatay shaqooyinka qaranka inkastoo aysan wali banaanka u soo bixin.

Ugu yaraan 10 wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda Reysal Wasaare Kheyre, xafiisyada taliyaasha Ciidamada iyo xafiisyada Maxkamadaha dalka ayaa laga goostay lacagtii ay qaadan jireen ee socodsiinta shaqada qaranka (running coast).

Sidoo kale waxaan mushaar joogta qaadan muddo 6 bil ah qaar ka mid ah ciidamada Milateriga Soomaaliya, sida Guutada 14 oct iyo Wariyaasha Idaacadda Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliya (Radio SNA) iyo Xafiisyo kale.

“Xafiiska Taliyaha Ciidamada Difaaca, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Xafiiska Agaasimaha Wasaaradda Difaaca, bilooyinkaan ma qaadan lacagtii socodsiinta shaqada waana xaqiiqo aan dul tagay”, Waxaa sidaasi Caasimada Online u sheegay qof ka mid ah shaqaalaha wasaaardda difaaca.

Wasaaradaha qaar ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay in la dejiyay hal dhismo si ay ugu wada-shaqeeyaan korontada iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah shaqada. Sidoo kale shaqaalaha KMG ah ee wasaaradaha iyo xafiisyada dowladda ayaa kuu sheegaya in bishaan wixii ka dambeeya aysan sugeynin gunadii ay qaadan jireen maadaama aysan ku jirin liiska shaqaalaha Rayidka ah ee Soomaaliya.

Mushaarka ama gunnada shaqaalaha KMG ah ayaa bishaan lag bixiyay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ,balse lama oga halka ay ku dambeyn doonto bilooyinka kale waxaana la sheegay in waqti dambe ay heleen bishaan halka markii hore ay isku wati qaadan jireen shaqaalaha dhan.

Sababta mushaakilkaan lacagta ah ee taagan ayaa lagu sheegay in World Bank uu joojiyay lacagtii caddaanka aheyd ee la siin jiray Dowladda Soomaaliya kadib amar ka yimid QM oo khilaaf culus kala dhaxeeyo Soomaaliya. Sidoo kale, qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka, iyo Midowga Yurub ayaa lacagtoodii hakiyey.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka duulay dhibaatada soo wajahday dowladiisa ayaa dhowaan u safray wadanka Qatar si loo caawiyo dowladiisa basle waxaa la sheegay in la soo siiyay lacag dhan 20 milyan, taas oo la sheegayo in aysan waxba ka galin Soomaaliya markii loo eego caqabadaha ku hor gudban DF.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore lacagta uga joojisay Warbaahintii qaadan jirtay laa-luushka, taageerayaasheeda Facebook iyo xafsiiyadii Dowladda waxaana hada lays waydiinayaa waxa xiga ee dhici kara.

Shaqsiyaadkii qaadan jiray lacagta ee dowladda taageera ayaa durba bilaabay in ay raali gelin ka bixiyaan waxyaabihii ay sameeyeen, halka qaar kalane ay bilaabeen in ay dacaayadeeyaan Xukuumadda balse waxaa jira 8 qof oo la sheegay in ay wali u soo dhacdo lacagta kuwaas oo wada dacaayadii ay ka fidin jireen siyaasiinta Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com