Shaqsi noocee ah ayuu Shariif Xasan doonayaa in Farmaajo uu ka dhigo R/W?

Baydhabo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa mar kale Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo u diray baaq ku aadan xulista Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia.

Shariif Xasan ayaa Madaxweynaha ka codsaday inuu soo xulo Ra’isul wasaare ka fog qabyaalada iyo damaca ku aadan dhaqaale uruursiga.

Shariif Xasan waxa uu Madaxweynaha ka codsaday inuu iska ilaaliyo in Ra’isul wasaaraha uu soo magacaabi doono kusoo xulo saaxiibtinimo waxa uuna ku baaqay inay mudan tahay in la kala saaro saaxiibtinimada iyo howsha Qaran.

”Waxaa shacbiga Soomaaliyeed nasiib darro u noqon doona in Madaxweynuhu uu soo magacaabo Ra’isul wasaare aan u diirnaxeynin Shacabka iyo Hantida Qaranka sidaa darteed waxaan Madaxweynaha ka dalbanayaa inuu ka feejignaado shaqsiga uu xuli doono”

Waxa uu Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya in uu ka fakaro qofka uu Ra’iisul wasaaraha ka dhigaayo.

Haddalka Shariif Xasan ayaa imaanaya xili dhammaan Hogaamiyayaasha Gobolada dalka ay dhowrayaan cida uu Madaxweynaha u magacaabi doono xilkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com