Shaqsiga sanadka ee 2018-ka oo shaaca laga qaaday

New York (Caasimada Online) – Farshaxanka Amiin Caamir oo sanad walba siiya shaqsiga ugu wax qabadka badan bulshada Soomaaliyeed aqoonsiga (Shaqsiga Sanadka) ayaa sanadkan 2018 ku abaal mariyay wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Daahir Cisman (Baalle).

Sida farshaxanka Amiin Caamir uu sheegay, Ambassador Abukar Daahir Cismaan intii uu joogay wuxuu qabtay shaqo aan hore loog baran safiiradii ka horreeyay tan iyo burburkii dowladdii dhexe.

Safiirka ayaa sare u qaaday xoojinta qarannimada Soomaaliyeed, wuxuuna si karti iyo aqoon ku jirto u difaacaa mar walba dalka aynu wada jecelnahay ee Soomaaliya, wuxuu ku guulaystay inuu badello aragtida ay Soomaaliya ka haysteen dalal badan.

Waxaa sidoo kale uu si geesinimo leh uu golaha ammaanka QM ugu gudbiyey dhowr dacwo oo ka dhan ah faro-gelinta Imaaraadka Carabta ay ku hayaan arrimaha Soomaaliya.

Amb. Abuukar ayaa ku guuleystay sidii ay Soomaaliya xubin buuxda uga noqon lahayd Ururka Xuquqal Insaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo Soomaaliya ku guuleysatay xubinimo buuxda bishii Oktober 12, 2018.

Amb. Abukar ayaa hadda dadaalo badan ugn jira sidii Soomaaliya ay ugu biiri lahayd Xubnaha Golaha Ammaanka ee ka kooban 15-ka waddan.

Dadweyne badan oo dhanka facebook uga jawaabay sawirka Amiin Caamir, ayaa bogaadin u diray Amb. Abukar Daahir Cismaan, uguna baaqay in uu halkaa ka sii wado shaqada uu hayo qaranka Soomaaliyeed, waxayna uga mahad celiyeen dadaalada uu ugu jiro soo celinta sharafta qaranimada Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com