Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto xafiiskiisa kasoo baxday 11-kii Bishan ku kala diray Guddigii Adeegga Garsoorka isagoo cuskaday qodobo ka mida dastuurka dalka ee KMG ah sida Qodobada 4-aad, 87-aad iyo 143-aad. Wuxuu kaloo madaxweynuhu wareegtadaasi ku caddeeyay in cabasho joogto ah oo dadku ka qabeen cadaalad darro baahsan oo ka jirtay garsoorka.
Aan marka hore akhristayaasha la wadaagno qodobada uu cuskaday madaxweynaha oo faahfaahsan oo aanu idinkaga soo guurinay Dastuurka KMG ah:
Qodobka 4aad Sarraynta Dastuurka
1. Shareecada ka sokow, Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayeyna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dawladda oo dhan.
2. Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka, maxkamadda Dastuuriga ah ayaa awood u leh burrinta sharcigaa, si waafaqsan dastuurkan.
QODOBKA 143aad. KA NOQOSHADA AXDIGA FEDERAALKA
(1) Axdiga Federaalka ee ku meel gaarka ahi waxa ay mudadiisu dhammaanaysaa marka lakala diro Golaha Ansixinta Dastuurka ee Qaranka.
Qodobka 87aad: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya
1. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:
a. Waa Madaxa Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya;
b. Waa astaanta midnimada qaranka;
c. Waa ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka.
2. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka wuxuu xilkiisa u gudanaya si waafaqsan Dastuurkan iyo sharciyada kale ee dalka.
Qodobka 90aad: Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka
Awoodaha iyo xilka Madaxweynuhu waxaa ka mid ah:
1. Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Degdegga ah iyo Xaalada dagaal, si wafaaqsan sharciga.
2. Wuxuu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.
3. Wuxuu magacaabaya Taliyeyaasha Ciidamada Heer Federaal, markii ay soo jeediyaan
Golaha Wasiirada, shaqadana wuu ka qaadi karaa.
4. Xil ka qaadista Saraakiisha Dowladda Federaalka waxay ku imaanaysaa sidii markii hore lagu magacaabay.
5. Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka hadii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1).
6. Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirada, Wasiiru-dowlayaasha, iyo Wasiir-ku-xigeenada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.
7. Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalka, si sharci looga dhigo.
8. Wuxuu furaa Golaha Shacabka.
9. Wuxuu la hadlaa fadhiga gaarka ah ee Golaha Shacabka sanadkiiba mar.
10. Wuxuu la hadli karaa Golaha Shacabka mar kasta oo kale.
11. Wuxuu magacaabaa Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga, Maxkamada Sare, iyo Garsooyayaasha kale Heer-Federaal, soo jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib.
12. Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dowladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirada.
13. Wuxuu magacaabaya jagooyinka danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud, markuu Golaha Wasiirada soo jeediyo.
14. Wuxuu qaabilaa diblomaasiyiinta shisheeye iyo wakiilada qunsuliyadaha dalalka shisheeye.
15. Wuxuu gudoonsiiyaa abaalmarinta Xushmada Qaranka (State Honor) markuu Golaha Wasiirada soo jeediyo.
16. Madaxweynaha wuxuu kala diri karaa golaha shacabka marka ay mudadiisa xilka dhamaato si doorasho ay u aadaan.
17. In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka talo-qaato Guddiga Adeega Garsoorka.
18. In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo.
Waxaa kaloo muhiim ah inaanu halkan ku soo bandhigno sida Dastuurka hadda lagu dhaqmo ee KMG ah u dhigayo in Golaha Adeegga Garsoorku noqdo oo ah sida soo socota:
Qodobka 109aad: Qaabdhismeed Maxkamadaha Qaranka
1. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay yeelaneysaa hal qaabdhismeed oo Maxkamadeed, oo ka koobmaya maxkamadda Dastuurka, iyo maxkamadaha kale ee heer federal iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka.
2. Maxkamad hadii la horgeeyo dacwad oo ay sharci ahaan dacwadaas quseyso Dowladda Fedraalka oo kaliya, maxkamadaasi waa inay u celisaa dacwadaas maxkamad heer federaal ah.
3. Maxkamad hadii la horgeeyo dacwad oo ay sharci ahaan dacwadaas quseyso arin dastuuri ah, maxkamadaasi waxay u celin kartaa dacwadaasi maxkamada Dastuuriga.
4. Gudiga Adeega Garsoorka (The Judical Service Commission)
5. Wax abuurayaa gudiga adeega Garsoorka, wuxuu kakoobmaa 9 (Sagaal) xubnood oo kala ah:
a. Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga;
b. Gudoomiyaha Maxkamada Sare;
c. Xeer ilaaliyaha Guud;
d. Laba xubnood oo aqoon iyo waaya aragnimo uleh sharciga kana mid ah ururka Garyaqaanada Soomaaliya, oo uu soo magacaabo ururka Garyaqaanada mudo dhan afar (4) sano;
e. Gudoomiyaha gudiga xuquuqda bini’aadanka;
f. Golaha Wasiiraddu waxay Madaxweynaha usoo jeedinayaa 3 Qof oo sumcad ku leh bulshadda si uu u magacaabo;
g. Gudiga adeega Garsoorku wuxuu dhexdiisa kadooranayaa Gudoomiye.
h. Xubnaha gudiga adeega garsoorka waxay shaqeynayaan mudo dhan afar (4) sano oo lacusbooneysiin karo hal xili.
i. Sharci ay meel mariyeen gudiga adeega garsoorka oo ku saabsan anshaxmarinta, ayaa qabanaya xubin kasta oo kamid ah gudiga adeega garsoorka.
6. Sida sharci iyo xeer ay soo saareen gudiga adeega garsoorka, waxaa gudiga adeega garsoorka sameyn karaa:
a. Macaabis, anshax marin, badalid xubin kasta oo kamid ah garsoorka heer federal;
b. Go’aan kagaarid mushaarka iyo howl gabka;
c. Go’aan kagaarida xaalada shaqo ee garsoorka.
Inta aanan u gudbin sharcinimada wareegtada madaxweynaha, waxaa is weydiin karnaa:
1- Miyuu jiray Gole Adeeg Garsoor?
2. Sidee golahaasi u jiray, sideese ku dhsmay haddiiba uu jiray..?
3. Maxaa keenay inuu xilligan dhasho muranka oo la isla soo gaaro waqtigan?
Sharci ahaan marka aad eegto qodobada dastuurka ee sare ku xusan, waxaa cad inuusan jirin Gole Adeeg Garsoor oo waafaqsan sida dastuurku u dhigayo sababtoo ah:
- Ma jirto, mana sameysna Maxkamadda Dastuurka.
- Ma jirin labada garyaqaan ee ururada Qareeno magacaabeen.
- Waxaan kaloo jirin oo weli la dhisin guddigii xuquuqda Insaanka iyo guddoomiyaha guddigaas
- Sidoo kale ma jiraan 3-da xubnood ee bulshada rayidka laga keeni lahaa oo golaha wasiirada soo jeediyeen kadibna madaxweynaha magacaabayo.Tani waxay macnaheedu tahay in 7- xubood oo ka mida 9-ka xubnood ee Golaha adeegga Garsoorka ka kooban yahay aanay jirin ama hay’adadihii ay ka imaan lahaayeen aan la magacaabin ama weli la dhisin. sidaas darteedna aanu dalka ka jirin wax la oran karo waa GOLE ADEEG GARSOOR.
Haddii aan usoo degno su’aasha xigta ee ah: Sidee golahaasi u jiray, sideese ku dhsmay haddiiba uu jiray..? waxay jawaabtu tahay, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa iskiisa isaga magacawday & xubnood oo kale kuna magacaabay inay yihiin Golaha Adeegga Garsoorka, isagoo xitaa aan heysan xubintii labaad ee Garyaqaanka Guud, waxaana sharci darro sidaas ah ku shaqeynayay guddi magacaas wata kadib dhaqangalkii Dastuurka KMG ah iyo dhismaha dowladda aan Kumeelgaarka ahayn ee Xasan Sheekh.
Su’aasha u dambeysa ee waxa xilligan keenay murankan Golaha Adeegga Garsoorka, waxaa lagu soo koobi karaa inuu madaxweynuhu kala diray hay’ad aan sharciyan jirin oo ay ahayd isla maalintii uu xafiiska yimid inuu howshan qabto lana helo Gole Adeegga Garsoorka dalka qabta oo dastuurka la socda. Waxaase la yaab leh inuu madaxweynaha la sugo ilaa xilligan tiiyoo aanay haba yaraatee diyaar ahayn xubnihii asaaska u ahaa ee GOLE GARSOOR noqon lahaa. Waxay xaaladani calaamad kale u tahay sida madaxweyne Xasan Sheekh taladu uga baahday ee u hanan waayay dowlad soo celinta dalka.
Haddaba haddii aan dib u eegno sharcinimada wareegtada madaxweynaha waxaa noo soo baxeysa in lagu muransan yahay GOLE aan markii horeba sharci ahayn, waxaa madaxweynaha ku haboonaa isaga iyo xukuumadihiisii kala dambeeyay inay dhisaan hay’adihii ay ka imaan lahaayeen 9-ka xubnood ee Guddiga Adeegga Garsoorka, taasoo aan loo baahdeen kala diris Gole aan sharci ahayn oo wax lagu bedelana aanay jirin. Haddiise Gole Adeeg Garsoor oo sida Dastuurku sheegayo loo dhisay uu dalka ka jiro madaxweynaha waxaa lagu celin lahaa wareegtadiisa.
Isha: Goobjooge