Sharci ay si adag uga hor-timid Puntland oo si rasmi ay u ansixisay dowladda Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meel-marisay sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga, kaasi oo ay si adag uga hortimid dowlad-goboleedka Puntland, oo iyadu xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumegsiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa saxiixay xeerka bixinta shatiyada, kormeerka, iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah.

Sharcigan uu saxiixay wasiirka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ayaa waxaa qeyb ka ah maraakiibta Soomaaliyeed ee ka howl-gala meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Xeerkan oo ka kooban 6 cutub  iyo 27 qodob waxa uu jaangooynayaa habraacyada bixinta ruqsadaha maraakiibta qalaad, maraakiibta lawada leeyahay (joint venture) iyo maraakiibta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale qeexayaa dhammaan shuruudaha la-socdka, dabagalka iyo kormeerka maraakiibta kalluumeysiga, isaga oo faah-faahinaya ujuurooyinka iyo khidmooyinka lacageed ee shatiyada kala duwan iyo ruqsadaha kale ee Kalluumeysi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa 21-kii Bishii Maarso saxiixay sharciga Horumarinta iyo Maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed kadib markii labada Aqal ee Baarlamaanka ay si aqlabiyad leh ku meel mariyeen.

Sharcigan ayaa waxaa si adag uga hortimid dowlad-goboleedka Puntland, oo ku tilmaamtay inuu yahay mid sharci darro ah, islamarkaana si toos ah uga hor imanaya Dastuurka dalka.

“Haddaan la xurmeyn qodobka Dastuuriga ah ee sida tooska ah u faraya in Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah inay ka wada xaajoodaan kheyraadka dabiiciga ah, waxay halis ku noqoneysa deganaanshaha amni ee dalka, taasi oo horsedi doonta xasilooni daro siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga ee dowlad-goboleedka Puntland.

Puntland ayaa diidan gebi ahaanba hanaanka ay dowladda dhexe iskugu soo koobtay shati bixinta Kalluumeysiga iyo guud ahaan Sharciga Kalluumeysiga, oo ay sheegtay in aan laga talo-gelin, islamarkaana aysan waxba ka ogeyn.