Wararkii ugu dambeeyay xaaladda LAASCAANOOD kadib dagaallo ka dhacay

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka ay degan tahay xaaladda guud ee magaalada.

Laascaanood oo maalmihii u dambeeyay ay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyonkuwa deegaanka ee SSC, ayaa waxaa saaka laga dareemaya xaalad deganaan ah.

Sidoo kale waxaa weli jirta cabsi xooggan oo qabaan dadka deegaanka, maadaama labada dhinac ay weli isku hor-fadhjyaan goobihii lagu dagaalamay ee duleedka magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in saacadihii la soo dhaafay ay halkaasi gaareen gurmadyo kala duwan, kuwaasi oo labada dhinac ah, si uu midba midka kale uu isaga difaaco hadii uu weerar kaga yimaado ama dagaalka uu dib u qarxo.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ayaa habeen hore ku dagaalamay bariga magaalada Laascaanood, kaasi oo labada dhinac ay ka sheegteen guulo horleh, xilli ay Somaliland qorsheynayso inay qaado tallaabo militari oo ka dhan ah xooggaga kasoo horjeeda.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in ciidankeedu ay dib u riixeen xooggaga kasoo horjeeda, ayna dhawaan dib usoo celin doonaan magaalada Laascaanood, oo hadda ku sugan yihiin Isimida SSC iyo ciidamo taabasan.

Sidoo kale waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay soo fara-geliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska, balse laguma guuleysan kadib markii ay shuruudo horleh ku xireen labada dhinac ee isku halkaasi.

Dagaalka Laascaanood ayaa socda bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare kala oo isugu jira dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan kun qof iyo barakac horleh oo ay sameeyeen dadka deegaanka.

Si kastaba, Marka laga soo tago dhawaaqa ku kooban afka baarkiisa ee dhinac walba uu ku sheego inuu diyaar u yahay xal nabadeed, illaa hadda majiro ifafaalo muujineysa in dhinacyada iskugu yimaadan miiska wada-hadalka si loo qaboojiyo xiisada.