Sharci ma tahay Xildhibaanada la sheegay inay ka laabteen Saxiixa Mooshinka jawaari? Muxuuse Xeer hoosaadka ka qabaa?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin inay jiraan Xildhibaan ka laabtay Mooshinkii laga gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari, haddana waxaa jiro is waydiin ku aadan sharci ahaanshaha inuu xildhibaan ka laabto mooshin uu saxiixay oo la qabtay.

Sida uu qabo Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya haddii uu Xildhibaanka soo gudbiyo mooshin xil kala noqosho ah isla markaasna loo gudbiyo mid kamid ah Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo uu saxiixo  ma jirto sharci ahaan xildhibaan ka laaban karo.

Xildhibaan Cabdi Barre Jabriil oo ka tirsan Xildhibaanada Soomaaliya isla markaasna ah nin aqoon fiican u leh Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu kaliya Xildhibaanka mooshin ka laaban karo marka la gaaro cod bixinta haddii mar la gudbiyo oo uu Guddoonka Qabto isla markaasna saxiixo.

” Sida uu qabo Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya haddii uu Xildhibaanka soo gudbiyo Mooshin oo uu saxiixo mid kamid ah Guddoonka Baarlamaanka kama noqon karo ilaa laga gaaro cod bixinta markaasna meesha uu rabo ayuu u codeyn karaa” Ayu yiri Xildhibaan Cabdi Barre oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho.

Wuxuu sheegay in guddiga joogtada ah eeBaarlamaanka Soomaaliya ay ku xad gudbeyn xeer hoosaadka Baarlamaanka isla markaasna mooshinka lasoo gudbiyey uu yahay mid sharci ah oo aan laga noqon karin ilaa cod la geliyo.

Hadalka Xildhibaankaan ayaa imaanayo xilli Shalay qaar kamid ah xubnaha Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen in qaar ka tirsan xildhibaanadii mooshinka kasoo gudbiyey Jawaari inay ka laabteen sidaasna uu ku jabay Mooshinka maadaama aysan soo harin Xildhibaano kooramka buuxin karo.

Sidoo kale qaar ka tirsan Xildhibaanadii la sheegay inay mooshinka ka noqdeen oo Saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in laga been abuuray Saxiixooda isla markaasna aysan jirin mooshin ay ka laabteen.

Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa intooda badan waxay la safan yihiin Guddoomiye Jawaari waxaana lagu eedeeyey inaysan raacin sida uu qabo xeer hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com