Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn u taageeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen oo haatan uu dagaal siyaasadeed adag kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xisbiga Shariif ayaa si cad u muujiyay taageeradiisa doorashada uu Lafta-gareen ku qabsanayo magaalada Baydhabo, iyadoo madaxda Dowladda Federaalka uga digay inay sii wadaan ku tumashada dastuurka dalka, isla markaana “ay ka daayaan faragelinta qaawan iyo dullaalka hubeysan” ee ay ku hayaan Koonfur Galbeed
“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ku bogaadinayaa tallaabada dastuuriga ah ee uu qaaday Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ee ku aadan magacaabista Guddiga Madax-bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran.
Xisbiga ayaa ku eedeeyay madaxda Dowladda Federaalka inay ka dambeeyeen in dowlad-goboleedyadu dhaafaan waqtigii doorashooyinkooda ee dastuuriga ahaa, sidaas darteedna ciddii sharciyadda u soo noqota oo doorasho qabata ay u hiilinayso nidaamka dowladnimada iyo ku dhaqanka dastuurka dalka.
Sidoo kale, xisbiga uu hoggaaminayo Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay maamullada Galmudug iyo HirShabelle inay ilaaliyaan dastuurka dowlad-goboleedyada ay u dhaarteen, ayna dhowrayaan oo u horseedin qalalaase ka aloosma degaanno nabad ah.
“Xisbigu wuxuu si adag uga digayaa abaabullada hubaysan ee ay dowladda Federaalku ku khal-khal gelinayso xasiloonida iyo nidaamka ka jira Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran
Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ku bogaadinayaa tallaabada dastuuriga ah ee uu qaaday Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ee ku aadan magacaabista Guddiga Madaxbannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Koonfur Galbeed.
Sida uu qabo qodobka 12-aad ee dastuurka KMG ah, dhismaha laamaha xeer-dejinta iyo fulinta ee dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka waa arrimo lagu nidaaminayo dastuurada maamul-goboleedyada.
Sidaa awgeed xisbiga wuxuu uga digayaa madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii wadaan ku tumashada dastuurka dalka ee ay caadaysteen, kana daayaan faragelinta qaawan iyo dullaalka hubeysan ee ay ku hayaan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Xisbigu wuxuu kasoo horjeedaa siyaasadad gurracan ee qoor-qabadka ah ee madaxweynaha Dowladda Federaalka uu kula dhaqmay dowlad goboleedyada Dalka.
Xisbigu wuxuu dhiirra-gelinayaa cid kasta oo ka hortimaadda af-duubka siyaasadeed ee aan ku dhisnayn wax sharciyad ah.
Xisbigu wuxuu caddaynayaa in Madaxda Dowladda Federaalka ay ka danbeysay in ay dowlad goboleedyadu dhaafaan waqtigii doorashooyinkooda ee dastuuriga ahaa.
Xisbigu wuxuu u arkaa ciddii sharciyadda u soo noqota oo doorasho qabata, inay u hiiliso nidaamka dowladnimada iyo ku dhaqanka Dastuurka Dalka.
Xisbigu wuxuu si adag uga digayaa abaabullada hubaysan ee ay Dowladda Federaalku ku khal-khal gelinayso xasiloonida iyo nidaamka ka jira Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.
Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa dowlad goboleedyada kale ee waqtiyadoodu dhammaaday in ay ilaaliyaan dastuurka dowlad goboleedyada ay u dhaarteen in ay dhowrayaan, aysanna horseedin qalalaase ka aloosma degaanno nabad ah.
Ugu dambeyn, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soo dhaweynayaa kuna garab-taagan yahay Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo shacabka in ay diideen muddo kordhintii baalmarsanayd Dastuurka Dalka iyo kan Koonfur Galbeed, isla markaana ay go’aansadeen in ay doorasho qabtaan.
– Dhammaad –

